Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG iyo Galmudug oo Kulan Yeeshay


DKMG iyo Galmudug oo Kulan Yeeshay
DKMG iyo Galmudug oo Kulan Yeeshay

Labada dhinac waxay kulankooda ku soo qaadeen arrimaha abaaraha iyo dib u heshiisiinta.

Waxaa maalmahan magaalada Muqdisho booqasho ku joogay wafdi uu horkacayo madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin.

Haddaba wafdigaasi ayaa shalay kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda.

Kulankaasi ayay uga wadahadleen arrimaha abaaraha iyo dib u heshiisiinta iyo sidii dowladda KMG ah ay u caawin lahayd maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Muqdisho ay u tageen si ay ula xisaabtamaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, maadaama Galmudug ay tahay maamul ka tirsan dowladda KMG ah.

Ra'iisal wasaare Farmaajo ayaa ballan qaaday in dowladda KMG ah ay qeybtood gaarsiin doonto maamulka Galmudug, wixii deeqo ah ee la soo gaarsiiyo.

XS
SM
MD
LG