Diyaarad nooca aan duuliyuhu wadin ee Drone-ka loo yaqaan ayaa ku burburtay xerada barakacayaasha Badbaado ee Muqdisho.
Diyaaradan ayaan ilaa imka la ogeyn cidda iska leh. Ma jirto khasaare uu burburka diyaaradan dhaliyay. Wararka ayaa sheegaya in burburkii diyaaradaasi ay goobta kaqaadeen ciidamada dowladda KMG ee Somalia.