Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dilal ayaa ka Dhacay Kob-Dhexaad


Dilal ayaa ka Dhacay Kob-Dhexaad
Dilal ayaa ka Dhacay Kob-Dhexaad

Xiisad colaadeed ayaa ka aloosan deegaanka Kob-Dhexaad ee gobolka Bari, halkaasoo xalay koox dablay ah ay ku dileen ugu yaraan 7 qof.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay tuulada Kob-Dhexaad ee gobolka Bari, ka dib markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gaari rakaab la socday.

Weerarkaasi oo la geystay xalay Khamiistii, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 19 qof, sida ay ku soo warrantay wariyaha VOA-da ee Boosaaso oo xiriir la sameysay dhinacyo kala duwan oo deegaankaasi ku sugan iyo dad dhaawac ah oo la keenay Isbitaalka Boosaaso.

Ciidamo ka socda maamulka Puntland ayaa la sheegay inay hawlgal ku qaadeen tuulada Kobdhexaad iyo agagaarkeeda, si ay u soo qabtaan dableydii ka dambeysay weerarkaasi.

"Dagaaladan waanu cabaareyneynaa haddaanu nahay odayaasha gobolka Bari, waxaan ugu baaqeynaa Puntland inay seedareyso aagga ay ka dhaceen". Sidaasi waxaa yiri Nabaddoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim.

Xiisadda colaadeed ee ka aloosan gobolka Bari waxay u dhaxeysaa laba beelood oo gobolkaasi deggan, kuwaasoo isku haysta lahaansho dhuleed.

Waxaa dhaqan geli waayay qodobo ka soo baxay shirar dhowr jeer labada beelood laysugu keenay.

XS
SM
MD
LG