Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhoobley oo Xalay Madaafiic laysku Weydaarsaday


Dhoobley waxaa horey u haystay kooxda al-Shabaab, waxaana weeraro looga soo qaaday jihooyin kala duwan.

Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidamo taabacsan dowladda KMG ah oo jihooyin kala duwan ka soo duulay iyo kooxda al-Shabaab.

Maleeshiyada Shabaab oo horey degmadaasi u haystay ayaa la sheegay inay difaac ka galeen iyadoona wararka qaar ay sheegayaan inay bannaanka uga baxeen.

Waxaa degmada labo jiho ka fadhiya xoogag kale oo ay kala hogaaminayaan Sheekh Axmed Madoobe oo horey uga baxay ururkii Xisbul-Islaam iyo wadaad kale oo magaciisa lagu sheegay Macalim Maxamed.

Dadkii deggana degmada Dhoobley ayaa horey uga qaxay halkaasi, lamana sheegin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicda xalay laysku weydaarsaday degmadaasi. Waxaana laga cabsi qabaa in saacadaha soo socda uu dagaal fool ka fool uu dhexmaro dhinacyada is horfadhiya.

Isweydaarsiga madaafiicda ee ka dhacay Dhoobley ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowaan kooxda al-Shabaab lagala wareegay deegaano ay horey u joogeen ee ka tirsan gobolka Gedo.

XS
SM
MD
LG