Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka Banaadir oo Buburiyay Dhismayaal


Guddoomiyaha G/Banaadir
Guddoomiyaha G/Banaadir

Dowladda Somalia ayaa maanta billowday inay burburiso dhismayaal jiingado ah oo ku yaallay agagaarka gegida dayuuradaha ee Muqdisho.

Dowladda, oo inay tallaabadan qaadeyso ku dhawaaqday toddobaad kahor, ayaa sheegtay in guryahaas ay si sharci darro ah ugu yaalleen goobahaas, isla markaana ay amniga halis ku yihiin.

Balse dadka barakacayaasha ah ee ku nool aaggaas ayaa si weyn uga dhiidhiyey tallaabada ay dowladdu qaadeyso, iyagoo sheegay inay barakicineyso dad ay hore u diloodeen dagaallada ka soconaya Muqdisho.

guryaha la bur buriyay oo dhamaantooda jiingado ah ayaa ku yaala inta udhaxeysa Xarada Afisyooni iyo garoonka Magaalada muqdisho oo kala tirsan degmooyinka Wabari iyo Xamar jajab waxaana dadka deganaa ay ubadnaayeen qoysas danyar ah oo ka soo barakacay xaafadaha kale ee magaal ada oo ay siweyn dagaaladu saameyeen inkasta oo ay jiraan kuwa deegaan ahaan udaganaa tan iyo burburka wadanka.

Qoysaska qaarkood ayaa dhwaan ka soo barakacay dhanka waqooyi ee magaalada muqdisho kadib markii gudoomiyaha gobalka uu ugu baaqay inay baneeyaan goobaha ay dagaaladu ka socdaan .

Waxaa jiray haween fara badan oo si weyn ugu jahwareersan halka ay beegsan lahaayeen iyaga oo caruurtooda gacmaha kawada Alaabadooduna ay gaari gacmeed kurarayaan waxaana ay qaarkood ay sheegeen in maalma qura ay meesha deganaayeen islamaraaka dhismaha guriya uu dhaqaalo kaga baxay.

Gudoomiyaha degmada XamarJajab, Axmed Sheekh Maxuud Qoorleex oo saxaafada kula hadlay halka ay howlgaka ka wadeen ayaa sheegay inay fulinayaan amarka uu maamulka horey u soo saaray ee ahaa in dadku ay baneeyeen halkaan maadama uu amaanka halis ku yahay.

Amaanka goobta uu howlgalku ka socday ayaa waxaa iska kaashanayay ciidamada booliska iyo kuwa Militariga waxaana Afhayeenka Booliska C/laahi Xasan Bariise uu sheegay in amaanka ay waxbadan ka qabteen .

Inkasta oo ay dowladu maanta dadka barakacayaasha ay ka burburisay guryaha ay deganaayeen hadana ma sheegin meela ay dadkaan ugu talagashay in loogu baddalo meelahii ay deganaayeen ee laga raray .

XS
SM
MD
LG