Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo Baadi goobaysa Hantidii Qaranka


DKMG oo Baadi goobaysa Hantidii Qaranka
DKMG oo Baadi goobaysa Hantidii Qaranka

Ra’iisal wasaaraha Somalia, Maxamed Cabdullaahi, ayaa sheegay in loo baahanyahay in dib loo baadi goobo Hantida ka maqan qaranka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidaasi ka sheegay munaasibad loogu talagalay soo noqoshada guriga safaaradda Somalia ee Nairobi, Kenya.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan mas'uuliyiinta labada gole ee dowlada iyo marti sharaf kale ayaa waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Maxamed Cali Ameerika, oo isagu mahad celin ku aadan munaasabada loo sameeyay kadib, ka warbixiyay qaabkii ay u suuro gashay in mar kale dib loo hanto dhismihii safaarada soomaalidu ay ku lahayd magaalada Nairobi ee wadanka kenya iyo maraaxiladii loo soo maray guushaasi.

Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibadda ee dowlada kmg ah Maxamed Cali Xaamud oo ka mid ah mas'uuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in marka laga soo tago safaarada Soomaalida ee Kenya ay jiraan hanti badan oo wadamada caalamka uga maqan shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in wasaaradaha arimaha dibadda iyo maaliyaddu ay u howl galaan qaabkii dib loogu soo celin lahaa hantidaasi oo uu tilmaamay wasiiru dowluhu in ay noocyo badan isugu jiraan .

Munaasabadan lagu qadarinayay dib u hanashada safaradii hore ee soomaaliya ee wadanka kenya ayaa waxaa ugu danbayntii ka hadlay raysul wasaaraha dowlada kmg ah Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) oo kadib mahad celin uu u jeediyay safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya halkaasi ka sheegay in ay xukuumadiisu dadaal u galayso sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen dhamaan hantida ma guurtada ah ee shacabka soomaaliyeed ugu maqan caalamka intiisa kale .

Dib u hanashada dhismihii hore ee safaarada soomaalidu ay ku lahayd dalka kenya ayaa tan iyo intii uu dhawaan qorshahaasi hir galay, waxaa jiray soo dhawayn iyo bogaadin arintaasi ku saabsan ee ay muujinayeen qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadanka iyo dibadiisaba, iyadoo dowlada kmg ahina ay dhinaceeda talaabadaasi ku tilmaamtay guul u soo hoyatay guud ahaan umada Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG