Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Markale ka Dhacay Gobolka Gal-Gaduud


Dagaal Markale ka Dhacay Gobolka Gal-Gaduud
Dagaal Markale ka Dhacay Gobolka Gal-Gaduud

Maleeshiyada al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa markale ku dagaalamay tuulada Waro-Dhuumo-Leh ee Galguduud, lama oga Khasaaraha dagaalka.

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka dhacay deegaanka Wara-Dhuumaleh oo ah deegaan u dhaxeeya degmada Guriceel iyo Ceel god. Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana jira maydad iyo dhaawacyo la soo gaarsiiyay isbitalka dagmada Guriceel, iyadoo sidoo kalana dhinaca Shabaab aan la ogayn khasaarahooda rasmiga ah.

Labada dhinac ee Al-shabaab iyo Ahlu-sunna ayaa kala sheegtay guullo ay ka gaareen dagaalka maanta. C/casiis Abuu Muscab oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay inay jabiyeen kooxda Ahlu-sunna oo weerar ku qaaday fadhiisinno ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka kale Cali Adan Diiriye oo ka tirsan maamulka Ahlu-Sunna ee degmada Guriceel ayaa isaguna sheegay in dhamaanba goobihii lagu dagaalamay ay iyagu gacanta ku dhigeen isla markaana ay ku raad-joogaan oo ay sii baacsanayaan maleeshiyada Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab waxay sheegtay inay dagaalkan ku soo biireen ciidamo Ethiopian ah oo ay sheegeen inay ka soo galeen Balanbal, Balse Eedayntaasi kooxda Al-shabaab ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay Afhayeenka ururka ahlu sunna wal jameeca C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf al qaadi.

Wararka ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalku haatan qaboobay, lama oga inuu mar kale dib u qarxi karo. Ma ahan markii ugu horaysay ee ay Alshabaab iyo Ahlu sunna ku dagaalamaan gobolka Galgaduud, waxana jira dagaallo qaraar oo soo noq-noqonayay oo ay labada kooxood ku doonayaan gacan ku haynta deegaanno ka tirsan bartamaha Somalia.

XS
SM
MD
LG