Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Waqooyiga Muqdisho


Dagaal ka Dhacay Waqooyiga Muqdisho
Dagaal ka Dhacay Waqooyiga Muqdisho

Dagaalo iyo madaafiic culus oo ayaa maanta oo Arbaca ah ka bilowday xaafado kamida dhinaca waqooyi magaalada Muqdisho.

Dagaaladan oo u muuqda kuwo si goos-goos ah u dhacaya ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay in kabadan 9 qof oo isugu jira dhinacyada dagaalka u dhexeeyo iyo dad rayid ah oo madaafiic ay ku habsatay halka ay ku dhaawacmeen in kabadan 14 qof.

Goob joogayaal kamida dadka deegaanka degamada C/Cziiz ayaa VOA uga waramay in dagaalku si kadis ah u bilaabmay iyada oo ay dhacayeen madaafiic culus.

Cali Muuse Sheikh oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg deg ah, ayaa sheegay in ay qaadeen dad gaaraya 14 qof oo dhawacyo kala duwan qaba.

XS
SM
MD
LG