Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal dhexmaray Puntland iyo Burcad-badeed


Dagaal dhexmaray Puntland iyo Burcad-badeed
Dagaal dhexmaray Puntland iyo Burcad-badeed

Iska horimaad hubaysan ayaa ka dhacay duleedka Jariiban kaddib markii dablay hubaysan ay weerar ku qaadeen kolonyo uu la socday wasiir ka tirsan Puntland.

Iska horimaad hubaysan ayaa ka dhacay duleedka Jariiban kaddib markii dablay hubaysan oo ka tirsan kooxaha burcad-badeedda ay weerar ku qaadeen kolonyo uu la socday wasiirka Dekeddaha ee maamul-goboleedka Saciid Maxamed Raage.

Wasiir-kuxigeenka arrimaha gudaha ee Puntland, Cali Yuusuf Cali ayaa qiray in wasiirku si kooban uu ugu gacan galay kooxdaasi burcad-badeedda. balse uu haatan xor yahay kuna sugan yahay degmada Jariiban, halkaasoo uu ka wado wadahadallo uu la leeyahay odoyaasha Jariiban.

Iska horimaadan ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ilaallada wasiirka. Iska-horimaadkan ayaa bilowday kaddib markii ciidamo uu wato wasiirka Dekeddaha la sheegay inay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Garacad oo ah saldhig ay degan yihiin kooxaha hubeysan ee burcad-badeedda.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska-horimaadkaasi, wararka qaarkood ayaa sheegaya in kooxaha burcad-badeedda ee weerarka gaadmada fuliyeen ay ciidamada Puntland ka qabsadeen dhowr baabuur oo nooca dagaalka ah,

Wasiir-kuxigeenka arrimaha gudaha wuxuu mar uu saaka saxaafadda la hadlay ku beeniyay in ciidanka Puntland weerarkaasi baabuur looga qabsaday.

XS
SM
MD
LG