Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Al-Shabaab Ku Dhex Maray J/Hoose


Dagaalka ayaa yimid markii Al-Shabaab ay xirtay laba sarkaal oo ay uga shakiyeen inay ku biireen Kooxda Daacish.

Wararka naga soo gaaray degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi iska hor-imaad ku dhex-maray laba dhinac oo oo iska soo horjeeda oo ka kala tirsan ururka Al-Shabaab.

Iska-hor- imaadkaasi ayaa yimid sida dadka deganaku sheegeen kadib markii kooxda Al-Shabaab ay xirtay laba sarkaal oo hore uga tirsanaa ururka oo ay uga shakiyeen inay ku biireen kooxda Daacish.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaalada Xagar oo 180km waqooyi galbeed kaga beegan Kismaayo ay haatan kacsan tahay, iyagoo ka cabsi qaba in halkaasi iska hor-imaad kale ku dhex maro dhiancyadaasi.

Iska-hoorimaadkan ayaa imanaya xili toddobaad ka hor uu dagaal ku dhex-maray Al-Shabaab iyo garab taageersan Daacish duleydka degmada Sakow oo ay labada dhinacba kaga dhinteen 9 qof.

XS
SM
MD
LG