Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad Ka Taagan Magaalada Beledweyne


Beledweyne
Beledweyne

Dabley ku hayb ah sarkaal la dilay dhowr maalmood ka hor, ayaa xirtay waddada ugu muhiimsan ee magaalada.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dilkii magaalada loogu geystay sarkaal Soomaali ah oo u shaqeynayay hay’ad ka mid ah kuwa QM.

Dabley ku hayb ah sarkaalkaas ayaa xirtay waddada ugu muhiimsan magaalada Beledweyne, ayaga oo xannibay isu socodka magaalada.

Inkasta oo odayaasha magaalada ay dableyda ku qanciyeen inay furaan waddada, ayaa haddana dableyda ay dib usoo laabteen kadib markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo xalay ku baryey xerada Amisom lasoo daayey.

Si kastaba, dableyda hubeysan ayaa fadhiya waddadii uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan u mari lahaa gurigiisa, waxaana laga cabsi qabaa in ciidankiisa iyo dableyda kale ay isku dhacaan.

Warar ay heshay VOA ayaa sheegaya in dabelyda xirtay qeybo ka mid ah magaalada ay doonayaan in guddoomiyaha gobolka xilka laga qaado, oo maxkamad lasoo taago.

Wararkii u danbeeyey ee xiisadda ka taagan Beledweyne, waxaa noo soo diray weriyaha VOA ee Muqdisho Jacfar Kuukay.

XS
SM
MD
LG