Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad lagu Qab-Qabtay Garoowe


Dad lagu Qab-Qabtay Garoowe
Dad lagu Qab-Qabtay Garoowe

Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in boolisku uu maanta suuqa magaaladaasi ka qab-qabtay tiro dad ah oo ka soo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.

Ma cadda sababta qab-qabashadan keentay. Maamulka Puntlad ayaa sheegay in isla Garoowe ay ku qabteen nin walxaha qarxa ku labisan.

Qab-qabashan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo waqooyiga magaalada Gaalkacyo boob loogu geystay ganacsiga ay leeyihiin dadka ka soo jeedda Bay iyo Bakool. Dadkan ka soo jeedda Bay iyo Bakool ayaa waxaa lagu eedeeyay inay amni darro ka abuurayaan deeggaannada Puntland.

Maamulka Puntland oo VOA la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo qab-qabashada iyo ujeeddada ka danbeysa.

Qeytan hooose ka dhageyso laba wareysi oo aan la yeelanay Nabadoon Khaliif Aw-Cali iyo mid ka mid ah ganacsatada ka soo jeeda Bay iyo Bakool oo ku sugan Gaalkacyo.

Wareysiga Nabadoonka

Wareysiga Ganacsadaha

XS
SM
MD
LG