Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dacwad ka Dhan ah Madaxweyne Geelle


Ganacsade Booreh
Ganacsade Booreh

Ganacsade caan ah oo u dhashay Djibouti, ayaa dacwad ku soo oogay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo qaar kamid ah qoyskiisa.

C/raxman Booreh, oo mar ahaan jiray maal-qabeen ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Geelle, kahor intii aaney kala irdhoobin, ayaa dacwadda u gudbiyay maxkamad ku taalla caasimadda Faransiiska ee Paris waxaana uu ku eedeeyay madaxweyne Geelle, oo isticmaalaya awoodda dowladda, inuu ku xadgudbay hanti uu ku leeyahay dalka Djibouti

Booreh ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha iyo Xubno ka tirsan xukuumaddu in ay ka dambeeyeen dilka dad qaraabadiisa ah.

Waxaana uu waraysi uu siiyay VOAda uu shaaca kaga qaaday in uu ku biiray mucaaridka kana soo horjeedo muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Booreh ayaa ku eedeeyay xukuumadda in ay cadaadis ku hayso ganacsatada iyo garsoorka , waxaana uu tilmaamay in ay dalka ka jirto xaalad uu ku tilmaamay gaajo iyo cadaadis xooggan oo shacbiga lagu hayo.


Hase ahaatee Xukuumadda Djibouti ayaa waxa lagu qoslo ku tilmaantay dacwadda uu soo oogay Gnacasde Cabdiraxmaan Booreh.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Djibouti Yaasiin Cilmi Buux ayaa VOAda u sheegay in aanay waxba ka jirin eedaha uu ganacsade Booreh ku eedeeyay madaxweynaha Djibouti , isaga oo tilmaamay in ay jirto ka dhan ah ganacsadaahaasi oo ka dhaxaysa isaga iyo wasaaradda maaliyadda ee Djibouti ka dib markii uu bixin waayay Cashuur lagu lahaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in aanay suurta gal ahayn in dal kale oo shisheeye loo gudbiyo dacawd ka dhan ah madaxweyne qaran, waxaana uu tilmaamay in haddii uu ganacsade Booreh dacwad qabo ay suurta gal ahayd inuu u soo gudbiyo garsoorka Djibouti.

Yaasiin Cilmi , Wasiirka arrimaha gudaha ee Djibouti ayaa beeniyay in ay jirto cadaadis iyo cabudhin lagu hayo dadka shacabka ah ee Djibouti.


XS
SM
MD
LG