Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Syria Oo Xoog Ku Galay Al-xafeh


Telfishinka Afka Dowladda ku hadla ee dalka Suuriya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay la wareegeen magaalada ay mucaaradka ku xooganyihiin ee ku taala galbeedka dalkaasi ee Al-xafeh, iyadoo dagaalka cusul ee ka socda gudaha Suuriya uu ka dhex dhaliyay isu kala dabqaad diplomaasiyaded Mareykanka iyo Ruushka.

War arbacadii shalay uu sii daayay telefishinka Suuriya ayaa lagu sheegay in ciidamada daacadda u ah madaxweyne Bashar al-Assad ay soo sheegeen in degenaansho ay ka jirto amaan ahaana la xaqiijiyay magaaladaasi Istaraatiijiga ah ee Al-xafeh ee ay dadka Suniyiinta Ku Xooganyihiin, ka dib marka sida ciidmada ay sheegeen ay ka nadiifiyeen kooxo hubeysan oo argagixiso ahaa.

Mucaaradka Dowladda Ku kacsan ayaa sheegay ineyb si xeelad ay ku jirto ay ka baxeen magaaladaasi habeenkii arbaca ay soo galeysay ka dib markii uu dagaal xooggan ka dhacay tuulooyinka ku dhow dhow ee dhaca gobolka xeebta ku yaala ee buuraleyda ah ee Latakia.

XS
SM
MD
LG