Magaalooyinka waaweyn ee geeska Africa ayaa maanta si weyn looga xusay loogana dabaaldagay munaasabadda Ciiddul-Adxaa.
Muqdisho
Magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw-dhaw ayaa maanta si wayn looga tukaday salaadda Ciiddul-Adxaa, iyadoo masaajidada waa wayn ee magaalada laga maqlayay takbiirta salaada ciida. Madaxda Dowladda KMG oo uu ugu horreeyo madaxweyne Shariif ayaa hambalyo ku aadan munaasabaddan u diray shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Shariif wuxuu kooxaha ka soo horjeeda ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan. Qeybaha ay kooxaha Islaamiyiintu ka maamulaan Muqdisho ayaa si weyn looga ciidday.
Dhageyso sida Muqdisho looga ciiday.
Puntland
Deegaannada Puntland ayaa maanta si weyn looga ciidday. Khudbadda ciidda oo uu jeediyay madaxweynaha maamul-gobolleedka Puntland, C/raxmaan Faroole ayuu wuxuu ku sheegay in Puntland aysan aqoonsanayn gollaha wasiiradda ee dhawaan u soo dhisay Raisal-wasaaraha Somalia, Max'ed C/laahi Farmaajo. Faroolw wuxuu sheegay in wasiirrada ka soo jeedda Puntland aan lagala tashan oo aysan wakiil ka ahayn Puntland.
Dhageyso sida looga ciiday Puntland.
Somaliland
Sidoo kale Somaliland ayaa maanta si nabad ah looga ciiddey, hasse yeeshee waxaa deegaanno ka tirsan Buuhoodle ka dhacay dagaallo u dhaxeeya laba beellood, waxaana la soo weriyay inay dagaalladaasi ku dhinteen 3 qof.
Dhageyso sida looga ciiday Somaliland
Djibouti
Jamhuuriyadda Djibouti waxaa maanta si weyn looga dabaaldegay ciiddul-adxaa. Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga madaxtooyada ku qabtay xaflad ciidda loogu talagalay. Md Geelle wuxuu ka hadlay xaaladda Soomaaliya.
Dhageyso sida looga ciiday Djibouti
Garissa
Guud ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ciiddul-adxaaga si fiican looga dareemay, iyadoo dadkuna ay si wadajir ah u tukadeen salaadda Ciidda.
Dhageyso sida looga ciiday Garissa.
Magaalooyinka kale, sida Baydhaba, Kismaayo, iyo Nairobi ayaa maanta dadku si weyn u ciiddeen.