Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka Maraykanka oo soo Furtay Shaqaalihii DDG


Ciidanka Maraykanka oo soo Furtay Shaqaalihii DDG
Ciidanka Maraykanka oo soo Furtay Shaqaalihii DDG

Howlgal ay ciidamada Maraykanku xalay ka fuliyeen bartamaha Soomaaliya ayay ku soo furteen Jessica Buchanan iyo Poul Hagen oo u shaqeynayay hay’ad miino baarista ee Danish ah kuwaasoo dablay hubeysan ay afduub ahaan ugu haysteen gudaha Soomaaliya.

Saraakiil ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkan ay ka qeybqaateen diyaaradaha helicopters ee Maraykanka waxaa dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Maraykanka iyo dableyda Soomaalida. Ugu yaraan 9 ka mid ah dableyda ayaa lagu dilay howlgalkan.

Golaha Qaxootiga Denmark ayaa xaqiijiyay in Jessica iyo Poul lagu soo furtay howlgal haatanna ay bad-qabaan laguna hayo goob ammaan ah.

Labadan shaqaale ayaa bishii October lagu afduubtay magaalada Gaalkacyo.

XS
SM
MD
LG