Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Dagaal ayaan ku Qaadaynaa Al-Shabaab


Kenya: Dagaal ayaan ku Qaadaynaa Al-Shabaab
Kenya: Dagaal ayaan ku Qaadaynaa Al-Shabaab

Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay isu diyaarinayaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ay ka fulinayaan xadka iyo gudaha Somalia.

Wasiiradda amniga iyo difaaca ee Kenya ayaa shir jaraaid oo ay ku qabteen Nairobi waxay ku sheegeen in ciidanka Kenya ay dabagalayaan maleeshiya al-Shabaab meel kasta oo ay ku sugan yihiin.

Kenya ayaa tallaabadan u qaadaysa si ay uga jawaabto afduubyo dhawaan loo geystay dad ajanabi kuwaasoo laga soo afduubtay gudaha Kenya. Afduubyadan waxaa ugu danbeeyay kii Khamiistii xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab loogu geystay laba samafale oo ka tirsan hay'adda MSF oo haatan la sheegay in loo soo talaabiyay dhinaca dalka Somalia.

Aden Barre Ducaalle oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa VOA u sheegay in dowladda Kenya ay xaq u leedahay inay sugto amniga dadkeeda, sidoo kale howlgalkan militari ee ay ku qaadayso kooxda al-Shabaab uu yahay mid xaq ah oo taasina ay ugu wacan tahay gardarooyinka iyo afduubka kooxda al-Shabaab ay dhawaannahan ka geysatay gudaha Kenya.

Dhageyso wareysiga Aden Barre Ducaale.

XS
SM
MD
LG