Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Kenya oo ku sugan Gudaha Somalia


Tens of thousands of people attend a candlelight vigil under heavy rain at Victoria Park in Hong Kong, June 4, 2013 to mark the 24th anniversary of the Chinese military crackdown on the pro-democracy movement in Beijing.
Tens of thousands of people attend a candlelight vigil under heavy rain at Victoria Park in Hong Kong, June 4, 2013 to mark the 24th anniversary of the Chinese military crackdown on the pro-democracy movement in Beijing.

Dad degan gudaha Somalia ayaa sheegay in ciidamo Kenyan ah ay gudaha ugu sii durkeen qeybo ka tirsan Somalia, kaddib markii ay ka soo tallaabeen soohdinta si ay dagaal ugu qaadaan kooxda al-Shabaab.

Dadkan ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in ciidamo Kenyan ah oo ay taageerrayaan baabuurta gaashaaman ay ku sugan yihiin meel u dhow degmada Qooqaani.

Sarkaal ka tirsan kooxda Raaskaambooni oo ah maleeshiyo isbahaysi la ah ciidamada dowladda Somalia ayaa VOA u sheegay in ku dhawaad 400 oo askarta Kenya ay soohdinta Soomaaliya u gudbeen Jimcihii oo ay Axaddii shalay ay ku sugnaayeen gobolka Jubbada Hoose iyagoo markaasi taageerraya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ku sii durkayaan magaalada Afmadow oo ah magaallo ay kooxda al-Shabaab ka taliso.

Saraakiil Soomaali iyo Kenyan ah iyo goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in ciidamada Kenya ay galeen Somalia oo taasina daba-socotay diyaar-garow ciidamadani ka wadeen xadka labada dal. Ciidamadan ayaa la sheegayaa inay taageerrayaan diyaaradaha militariga.

Dad ku sugan Libooyo- Kenya ayaa sheegay in diyaarad ay leeyihiin militariga Kenya ay ku burburtay fiidnimadii xalay oo Axad ahay degmada Libooyo-Kenya.

XS
SM
MD
LG