Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Ciidamo ka wada tirsan DKMG oo dagaallamay


Ciidamada DKMG
Ciidamada DKMG

Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG uu ku dhexmaray qeybo ka mid ah degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda gaar ahaan kuwa Booliska iyo Militariga oo ku kala sugnaa Xerada Haamo-dhowr iyo Iskuul Buluusiya ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday ilaa 4 askari oo ka tirsan ciidamadii dagaalamay halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mid dadka degan Muqdisho, gaar ahaan Iskuul Buluusiya oo VOA la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in iska horimaadka uu bilowday kadib markii ay ciidamada Booliska qaateen qori ay lahaayeen kuwa Militariga kadibna ay halkaasi soo gaareen ciidamo fara badan oo ka tirsan Ciidamada Militariga dowladda iyadoo xiligaasi kadibna muran soo kala dhex galay labada ciidan uu sababay gacan ka hadal ka dhashay dhimashada iyo dhaawac soo gaaray ciidamadii dagaalamay.

Dhinaca kale magaalada Muqdisho waxaa kajira dhaq-dhaqaaq ciidan oo umuuqda diyaar garow dagaal waxaana dhinaca koon fureed ee magaalada xalay ka soo galay ciidamo iyo gaadiidka dagaalka oo taabacsan kooxda Al-shabaab.

XS
SM
MD
LG