Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcadbadeedda oo la siiyay $18m oo Madaxfurasho ah


Burcadbadeedda oo la siiyay $18m oo Madaxfurasho ah
Burcadbadeedda oo la siiyay $18m oo Madaxfurasho ah

Lacagtan ayaa noqoneysa madaxfurashadii ugu badneyd ee la siiyo burcadbadeeda Soomaalida tan iyo intii ay afduubka bilaabeen.

Burcadbadeed Soomaali ah ayaa sii daayay labo markab oo kuwa Kiimikaalka ah oo ay gacanta ku dhigeen labo bilood ka hor, meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ee badweynta India.

Wararku waxay xaqiijinayaan in labada markab la sii daayay ka dib markii la baxshay inka badan $18 milyan oo dollar oo lacag madaxfurasho ah, taasoo ah qaar ka mid ah lacagtii ugu badneyd ee madaxfurasho loo siiyo burcadbadeed tan iyo intii ay burcadbadeedu masaa’ib ku noqotay dhulkaasi.

Wasaaradda gaadiidka ee dalka Shiinaha waxay sheegtay in markabka MV Golden Blessing oo ka lusha calanka Singapore la sii daayay sabtidii maanta, haatanna uu ku sii jeedo biyaha caalamiga iyagoo ay wehlinayaan ciidamo badmaaxiin Chinese ah.

Markabka ayaa la qabsaday bishii June isagoo ka yimid dalka Sacuudi Areebiya, kuna sii jeeday dalka India.

Warbaahinta Shiinuhu wax tafaasiil ah kama ay bixin sii deynta markabka, laakiin warbaahinta qeybteed ayaa sheegeysa in lagu sii daayay $9 milyan oo dollar oo madaxfurasho ah.

Markabka kale ee ay burcadbadeedu sii daysay oo lagu magacaabo Samho Dream oo laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed waxaa la afduubtay bishii April.

Afhayeenka Barnaamijka u qareemida badmaaxayaasha Bariga Afrika ayaa sheegay in sidoo kale markabkaasi sii deyntiisa lagu bixiyay lacag madaxfurasho ah. Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay mid ka mid ah burcabadeeda ayaa u sheegay in ay ku sii daayeen markabkaasi $9.5 milyan oo dollar.

XS
SM
MD
LG