Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcadbadeed $5m oo Madaxfurasho Heshay


Burcadbadeed $5m oo Madaxfurasho Heshay
Burcadbadeed $5m oo Madaxfurasho Heshay

Burcadbadeeddu waxay sheegeen in madaxfurashadaasi ay ku sii daayeen markab iyo shaqaale ay haysteen in ka badan 3 bilood.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa sheegay inay heleen madaxfurasho gaaresa $5 milyan oo doollar, si ay u sii daayaan markab laga leeyahay dalka Thailand.

Burcadbadeedda ayaa wariyeyaasha isniintii shalay u sheegay inay sii daayeen markabka lagu magacaabo MV Thor Nexus iyo shaqaalihii la socday oo 27 gaarayay, ka dib markii ay haysteen saddex bilood iyo badh.

Markabkaasi ayaa bishii December ee sanadkii hore laga soo afduubtay xeebaha dalka Cumaan, isagoo ka soo socdaalay dalka Imaaraadka Carabta kuna socday dalka Bangaladesh.

XS
SM
MD
LG