Qarax xooggan ayaa caawa fiidkii ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso. Qaraxan oo lala beegsaday ciidanka amniga ee Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay 3 qof oo uu ka mid yahay taliyihii saldhiga Boliska ee Baalade ee Magaalada Bosaaso Xuseen Cali dheere.
Qaraxan oo aan la ogeyn noociisa ayaan wali la sheegin cidda geysatay, sidoo kalena maamulka Puntland wali kama hadlin qaraxan.
Magaalada Boosaaso waxaa ku soo badanaya amni darrada, iyadoo dhawaanaha ay ciidamadu wadeen howlgallo amniga lagu sugayo kuwaasoo lagu soo qab-qabtay dad fara badan oo isugu jira kuwa degan Boosaaso iyo qaar kale oo ka yimid deegaannada koonfurta Soomaaliya.