Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Dab Baabi'iyey Suuqa Weyn


Boosaaso: Dab Baabi'iyey Suuqa Weyn
Boosaaso: Dab Baabi'iyey Suuqa Weyn

Hal ruux ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacantay dab xoog badan oo xalay ka kacay suuqa weyn ee Boosaaso

Dab ka kacay xalay suuqa weeyn ee Magaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa khasaare xooggan u geystay guud ahaan qeybaha kala duwan ee uu suuqaasi ka koobnaa. Dabkaas waxa ku dhintay hal ruux, halka afar kalena ku dhaawacantay.

Dabkan oo biloowday abaare 10kii fiidnimo ee xalay ayaa baabi’iyay hantidii dhex tiilay qeybaha sarifka, raashinka, dharka iyo kabaha, maacuunta, bagaashka, iyo waliba dukaamo yar-yar.

Ciidmada ammaanka ee Puntland iyo dadweyne aad u fara badan oo gurmad ku tagay suuqa si ay dabka u bakhtiiyaan ayaa ku guul dareystay sababo la xiriira suuqa oo mugdi ahaa iyo jidka kaliya ee gala goobaha uu dabka qabsaday oo cariiri ahaa awgii ay booyado gurmad ahaa gali waayeen.

Rasaas ay ridayeen ciidamada amaanka ayaa laga maqlayay gudaha iyo hareeraha suuqa. Taliyaha Booliska ee Qeybta Bari, Cusman Xassan Cawke ayaa u sheegay VOAda in gebi ahaan suuqa Boosaaso uu basbeelay.

XS
SM
MD
LG