Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beledweyne oo Bandow la Saaray


Beledweyne oo Bandow la Saaray
Beledweyne oo Bandow la Saaray

Xaaladda Beledweyne ayaa imika degan kaddib markii magaalada ay maanta la wareegeen ciidamo huwan ah oo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali. Magaalada ayaa waxaa lagu soo rogay bandow waxaana la joojiyay dhaq-dhaqaaqa iyo isu-socodka.

Wasiirka Gaashaandhiga ee dowladda KMG Xuseen Carab ayaa VOA u sheegay in ciidamadda DKMG oo ay wehelinayaan ciidamo Ethiopian ah ay maanta la wareegeen gacan ku haynta Beledweyne.

Dowladda waxay sheegtay in qabsashada Beledweyne ay qeyb ka tahay howlgal ay dowladdu maanta bilowday oo dalka looga sifeynayo kooxda Al-shabaab.

Dhinaca kale, kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in xeelad dagaal awgeed ay uga soo baxday magaalada Beledweyne. al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamo badan oo Ethiopian ah ay dagaal la galeen kaddib markii ay maanta soo weerareen fadhiisimo ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Qeybta hoose ka dhageyso wareysiga wasiirka difaaca, wareysi Beledweyne, warbixin Al-Shabaab iyo falanqeyn ku saabsan qabsashada Beledweyne waxay ka dhigan tahay.

XS
SM
MD
LG