Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharciga Maalgashiga Dalka Oo Laga Dooday


Baarlamaanka
Baarlamaanka

Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya ayaa la siiyey muddoo saddex maalmood ah oo ay sharciga kusoo aqriyaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka dooday sharciga maalgashiga dibedda oo in muddo ah horyaallay xildhibaannada.

Gudoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warshadaha baarlamanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo ka hadlay kullankii maanta, ayaa sheegay in sharcigan uu ahmiyad u lee yahay dib usoo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Maxamed Xasan Aadan ayaa sheegay in 10 qodob oo ka mid ah sharcigan cusub ay yihiin kuwii horey u jiray ee dowladdii Soomaaliya, balse ay kusoo dareen 17 qodob oo kale.

Wasiirka waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in ansixinta sharcigan uu muhiim u yahay maalgashiga Soomaaliya, uuna abuuri doono shaqooyin badan, sidaas darteedna loo baahan yahay in la ansaxiyo.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, oo kullankii maanta guddoomiyey ayaa sheegay in xildhibaanada ay haystaan inay sharcigan go’aan uga gaaraan saddex maalmood gudahood.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Sharciga Maalgashiga
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:20 0:00

XS
SM
MD
LG