Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Paul Kagame Oo Mar 3-aad Is Sharxi Kara

Rwanda Parliament
Rwanda Parliament

Aqalka Senateka ee dalka Rwanda ayaa cod buuxa ku ansixiyay Talaadadii shalay in wax laga bedello dastuuurka dalkaas, si loogu ogolaado Madaxweyne Paul Kagame inuu mar sadexaad isu soo taago xilka madaxweynenimada.

Arintan ayaa la gelinayaa Afti Qaran waxaana la filayaa in si fudud lagu ogolaado.

Dastuurka dalkaasi ayaa hadda faraya Madaxweyne Kagame inuu xukunka ka dego dhamaadka sanadka 2017ka, laakiin hadii loo ogolaado inuu mar kale isa soo taago, wuxuu ku guuleysan karaa 7 sano oo kale markii sadexaad, markaa ka dib ayuu xaq u yeelanayaa inuu haddana laba jeer oo min shan shan sana ah uu beratamo.

Arintan ayaa ka dhigan in Kigame uu xukunka sii heysan karo tan iyo sanadda 2034ka.

Xisbiga Mucaaradka Rwanda ee Democratic Green Party of Rwanda ayaa sheegay wax ka bedelidda dastuurka ay halis ku tahay xasilooni iyo nabad ay Rwanda ku sii nagaato.

Rwanda ayaa ka mid ah wadama Africa ee xulufada dhow ay yihiin Mareykanka, lakiin xukumadda Washington ayaa aaminsan in Kigame uusan isku dayin inuu xukunka ku soo noqdo marka ay mudadiisu dhamaato.

XS
SM
MD
LG