Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buhari Oo Amray In La Soo Xiro Xubno Sare


Dalka Nigeria ayaa waxaa ka taagan fadeexad musuq maasuq oo lacagta lagu lunsaday ay dhan tahay 5.4 bilyan oo dollar.

Hoggaamiyaha Nigeria ayaa amar ku bixiyey in lasoo xiro taliyihii ammaanka qaranka ee madaxweynihii hore ee dalkaas, oo lagu tuhmayo inuu xaday ballaayin dollar oo loogu tala galay in dowladda ay kusoo iibsato hub lagula dagaalamo kooxda Boko Haram.

“Dhimashada kumanaan qof ayaa laga hortagi karay, haddii lacagta loo qarash gareyn lahaa sidii loogu tala galay” Waxaa sidaas yiri Femi Adesina oo la taliye u ah madaxweyne Muhammadu Buhari.

Amarka xiritaanka ayaa ka dambeeyey warbixin ay soo saareen guddi madaxweyne oo lagu sheegay in la qiyaamay qandaraasyo hub oo ku fadhiyey 5.4 bilyan oo dollar, sida uu Adesina ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP, guddigan ayaa baaraya hubkii dowladda ay soo iibsatay tan iyo sanaddii 2007, oo loogu tala-galay dagaalka ka dhanka ah kooxda Boko Haram, waxaana tani ay qeyb ka tahay dagaal ka dhan ah musuq maasuqa oo uu waday madaxweyne Buhari, tan iyo markii uu xafiiska yimid.

Buhari waxa uu sidoo kale amray xariga xubno kale oo sare oo dowladda ka tirsan.

Sambo Dasuki oo la taliye u ahaa madaxweyne Goodluck Jonatahan ayaa loo heystaa inuu bixiyey qandaraas been abuur ah, oo dowladda uga baxay 2.9 bilyan oo dollar, balse hubkii lagu dalbay aysan marnaba dowladdu helin.

XS
SM
MD
LG