Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka Carabta oo looga Hadlay Somalia


Baarlamaanka Carabta oo looga Hadlay Somalia
Baarlamaanka Carabta oo looga Hadlay Somalia

Baarlamaanka Carabta oo kalfadhi ku yeeshay Qaahira ayaa looga hadlay arrinta Somalia.

Kalfdahigan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa looga hadlay arrimaha Somalia, Falastiin iyo Ciraaq.

Xildhibaanada baarlamaanka carabta ayaa baaq u jeediyay DKMG in ay sii waddao hawlaha nabadaynta.

Waxa kale oo ay ugu baaqeen wadamada carabta ah in ay fuliyaan ballan qaadkii ahaa in bil kasta Somalia la siiyo 10 milyan oo Doollar.

Afar xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa uga qayb galay kalfadhiga magaalada Qaahira.

Baarlamaanka carabta ayaa la aasaasay sanadkii 2001dii, waxaana xubin ka ah wadamada Jaamacadda Carabta, iyada oo dal kasta uu ku leeyahay 4 xildhibaan.

XS
SM
MD
LG