Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dalka Kenya Axmed Isaaq oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in Kenya ay si rasmi ah u qaadatay dastuurka cusub, loona guntanayo sidii loo dhaqan gelin lahaa.
Dastuurka cusub ee dalka Kenya ayaa qoraya in dalku uu yeesho madaxweyne, isla markaana uusan jiraynin ra'iisal wasaare. Hase yeeshee Axmed Isaaq ayaa sheegay in inta laga gaarayo 2012-ka ay hay'adaha dowladdu sidooda u jirayaan.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaruhuba ay hawshooda sidii ay u wadan jireen u wadayaan inta laga gaarayo xiliga loo qabtay ee 2012-ka.