Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo Askar looga Dilay Muqdisho

AMISOM oo Askar looga Dilay Muqdisho
AMISOM oo Askar looga Dilay Muqdisho

Laba ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta lagu dilay dagaallo ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray AMISOM iyo kooxda Al-shabaab.

Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya “AMISOM” ayaa sheegay in laba ka mid ah askartooda lagu dilay dagaal maanta ka dhacay magaalada Muqdishu.

AMISOM waxay sidoo kale sheegtay in saddex ka mid ah askartooda lagu dhaawacay dagaalkaasi.

Af-hayeenka ciidamada AMISOM Major Paddy Ankunda ayaa dhimashada askartaasi u xaqiijiye idaacadda VOA.

Dhinaca kalena, ugu yaraan afar qof oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku dhintene dagaalkii maanta ka dhacay bartmaha Muqdishu.

This item is part of
XS
SM
MD
LG