Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM: Hadalka Shabaab Waa 'Fadhi ku Dirir'


AMISOM: Hadalka Shabaab Waa 'Fadhi ku Dirir'
AMISOM: Hadalka Shabaab Waa 'Fadhi ku Dirir'

Afhayeenka AMISOM, Barigye BoHuku, ayaa sheegashada al-Shabaab ee ah inay dileen qaar kamid ah askartiisa, wuxuu ku sifeeyey fadhi ku dirir.

Afhayeen u hadlay ciidanka nabad-ilaalinta ee AMISOM, ayaa gaashaanka u daruuray hadal kasoo yeeray kooxda Al-Shabaab, kaas oo ahaa inay fiidkii Arbacada weerar ku dileen dhowr iyo toban askari oo ka tirsan AMISOM, howgal ay ka fuliyeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Major Barigye BoHuku, afhayeenka AMISOM, ayaa sheegashadaas wuxuu ku sifeeyey "Fadhi ku dirir!" Wuxuu sheegay in AMISOM aysan waxba u qarsooneyn, isagoo intaas ku daray in xitaa haddii ay askar ka dhinteen, inaysan taasi qarsoomeyn.

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Sheikh Cali Maxamud Rage (Cali Dheere), ayaa shir jaraa'id oo uu khadka taleefonka ku qabtay fiidkii Arbacada, wuxuu sheegay in howlgal ay fuliyeen dagaal-yahanno kamid ah Al-Shabaab ay howlgal ballaaran ku dileen dhowr iyo toban askari oo ka tirsan AMISOM.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG