Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo laga Qabsaday Baydhaba


Al-Shabaab oo laga Qabsaday Baydhaba
Al-Shabaab oo laga Qabsaday Baydhaba

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Ciidamadan ayaa magaalada la wareegay iyadoo aysan ka dhicin wax dagaalo ah, kaddib markii goor sii horeysay oo maanta ah ay magaalada baneeyeen kooxda Al-shabab oo halkaasi ka talineysay tan iyo bilowgii sanadkii 2009kii.

Dadka degaanka ayaa u sheegay VOAda in ciidamada huwanta ah ee Soomaalida iyo Ethiopianka la socda ay fariisimo ka sameeysteen duleeyada magaalada.

Waxaa kaloo ay ku suganyihiin dhismaha Madaxtooyada magaalada, Baydhaba, warshadii Xassey, Garoonka diyaaradaha iyo halka loo yaqaan baa casharow.

Waxaa sidoo kale magaalada bartamaheeda lagu arkayay ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah oo roondo lug iyo gaadiidba ah ku maraya jidadka magaalada.

XS
SM
MD
LG