Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo xirtay Nationlink, Telecom Somalia iyo Dahabshil


Al-Shabab oo xirtay Nationlink, Telecom Somalia iyo Dahabshil
Al-Shabab oo xirtay Nationlink, Telecom Somalia iyo Dahabshil

Kooxda Al-shabaab ayaa maanta albaabada isugu laabtay xafiisyada ay Koonfurta iyo Bartamaha Somalia ku leeyihiin shirkadda xawaaladda ee Dahabshiil iyo shirkaddaha is-gaarsiinta ee Nationlink iyo Telecom.

Lama oga ujeeddada rasmiga ah ee ay kooxdu u xirtay xafiisyada shirkaddahan, hasse yeeshee mas’uuliyiin ka tirsan shirkaddahan oo VOA-du ay la hadashay ayaa sheegay in xarigan uu la xiriirro kaddib markii shirkaddaha lagu amray bixintan lacag gaaraysa 120 kun oo dollar oo ay kooxda al-Shabaab ku sheegtay inay tahay lacago Zako.

Xafiisyada shirkaddaha Dahabshiil, Nationlink iyo Telecom ee maanta kooxda al-Shabaab ay xirtay ayaa waxay ku yaallaan Gobollada Jubbooyinka, Laba Shabeelle, Hiiraan, Bay, Bakool iyo Gedo

Shirkadda is-gaarsiinta ee Hormuud oo iyadu ka mid ah shirkadda ka howlgalla dhulka ay al-Shabaab ka taliso ayaan wax saameyn ah ku yeelani xarigan.

XS
SM
MD
LG