Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Weerar ku Dishay Askar Kenyan ah


Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa maanta weerar kadis ah ku qaaday kolonyo milatari oo ka tirsan ciidamada dawladda Kenya oo ay wehelinayeen kuwo Soomaali ah degaanka lagu magacaabo Qododo oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalooyinka Ceel-Waaq iyo Busaar ee Gobolka Gedo.

Kolonyada baabuurta ah ayaa u socotay dhinaca Kenya iyagoo ka yimid dhinaca Busaar markii weerarku qabsaday, waxaana la sheegay in baabuur kuwa milatariga ah uu khasaare soo gaadhay.

Sida mas’uuliyiinta iyo dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Laanta Af-Soomaaliga ee VOA, weerarka ayaa markii hore ku billowday qarax miino oo lala eegtay mid ka mid ah baabuur kolanyada ah oo ay lee yihiin ciidamada Kenya ee AMISOM, kuwaasoo xiligaasi marayey halka lagu magacaabo Qadodo oo 10km dhanka Qorax ka soo bax ka xigta degmada Ceelwaaq ee Soomaaliya.

Warar xogogaal ah ayaa idaacadda VOA u sheegay in laba ka tirsan askarta Kenya ay ku dhinteen weerarka, sidoo kale waxaa dhaawacmaay saddex qof oo kale oo iskugu jira askar iyo rayid.

Dhinaca kalena saraakiisha dawladda ee Gobolka ku sugan ayaa VOA u sheegay in saddex ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaadday ay ku dhinteen weerarka.

War goordhow na soo gaarayn waxaa uu sheegayaa in dagaal uu haatan ka socdo meel u dhow goobtii maanta barqadii lagu weeraray ciidamada AMISOM.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa ciidamo gurmad ahaan uga soo baxay Busaar kuwaasoo doonayay inay caawiyaan ciidamadii AMISOM ee saaka ay weeraraka ku qaadeen Kooxd Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG