Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Baahisay Khudbad uu Jeediyey Hoggaamiyahooda


Ururka Al-Shabab ayaa shalay cod ay sheegeen inuu yahay kan hoggaamiyaha ururkaas Axmed Cumar Abu Cubayda oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Diiriye.

Codkaasi ayaa Abu Cubayda uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo iskugu jira kuwo siyaasadeed iyo kuwa dhinaca amniga ah.

Waxa uu hadalkiisan oo noqonaya kii ugu horreeyey ee uu jeediyo tan iyo intii uu noqday hoggaamiyaha ururkaas tan iyo bishii Sebtember sannadkii 2014-ka uu ku sheegay in Soomaaliya ay “haystaan ciidamo shisheeye” sida uu hadalka u dhigay.

Abu Cubayda waxa uu ka hadlay doorashooyinka qorshaysan in laga qabto Soomaaliya sannadkan. Waxa uu uga digay dadka Soomaalida ah inay ka qaybqaataan doorashooyinkaasi oo uu ku dooday inay soo agaasimeen dad shisheeye ah.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya aan lagu maamuli doonin wax aan ahayn diinta Islaamka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ka soo horjeestay nidaamka federaalka ee dalka, waxana uu sheegay inaysan ahayn rabitaanka ilaahay, waxa kale oo uu sheegya in daawladda aysan noqon doonin mid sharci ah oo ay aqoonsadaan dadka Muslimiinta ah iyo Soomaalida.

Abu Cubayda waxa kale oo uu hadalkiisa ku cambaareeyey waddamnada ay ciidanku ka joogeen Soomaaliya, kuwa reer Galbeedka, Itoobiya iyo Kenya.

Dawladda Turkiga ayuu si gaar ah ugu eedeeyey inay gacanta ku dhigeen ilihii dhaqaale ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay in waxa ay ku weynayaan Soomaalida ay ka badan tahay waxa ay ka helayaan Turkiga, sida uu hadalka u dhigay.

Idaacadda VOA ma xaqiijin karto in codka ay baahisay Al-Shabab uu yahay kan saxda ah ee hoggaamiyahooda.

Khudbadiisa iyo jawaabaha ay ka bixiyeen dowladda, culimada iyo aqoonyahanada, waxaa warbixintan ka diyaariyey Xuseen Barre Aadan.

XS
SM
MD
LG