Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi ka Socda IGAD iyo Ethiopia oo Tagay Beledweyne


Maxamed Cabdi Affey
Maxamed Cabdi Affey

Wafdiga oo uu hogaaminaayo Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed CabdiAfeey, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigan ayaa oo uu ka mid ah Jeneraal Gabre oo dowladda Ethiopia ka socda, ayaa waxa ay kulan gaar ah la qaateen Duubabka dhaqanka Gobalka Hiiraan iyo xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee Hiiraan ka soo jeeda.

Ujeedada Wafdiga IGAD ee Baledweyne tagay ayaa lagu sheegay inay la xiriirto shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, oo beelaha dega gobolka qaarkood ay diideen.

Ilo xog ogaal ah ayaa VOA u sheegay in la isku fahmi waayay arrimaha ay ka midka yahiin halka shirka lagu qabanayo, xaruunta maamulka la dhisi doono, madaxweynaha iyo in Hiiraan laba gobal loo qeybiyo iyo in kale, oo shirkan looga hadlay.

Shirka maamulka loogu dhisayo labadan gobol ayaa dowladda Soomaaliya waxay dhowr bil ka hor ka furtay magaalada Jowhar ee gooblka Shabeellaha Dhexe, hase yeeshee ka maqnaanshaha shirka ee beelaha qaar ayaa caqabad noqday.

XS
SM
MD
LG