Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaweyd magalada laga maqlay laba qarax oo waaweyn.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay meel ku dhow saldhigga booliska ee degamada Waaberi.

Saraakiisha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay VOA in qaraxyadu ay ahaayeen walxo goobta la sii dhigay ka hor inta aaney qarxin.

Ilaa iyo hadda ma jiran khasaaro dhimasho ah oo la xaqiijiyay in qaraxyadaas ay ka dhasheen, saraakiisha waxey sheegeen in hal askari uu ku dhaawacmay.

XS
SM
MD
LG