Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burco: Sideed qof oo ku dhintay shil gaari


Ilaa siddeed qof ayaa geeriyooday, laba kalena waxa soo gaaray dhaawac ka dib markii shil gaari uu ka dhacay duleedka magaalada Burco.

Shilkan ayaa ka dhashay laba gaar oo isku dhacay, waxaana maydka iyo dhaawac dadkan la geeyay cisbitalka guud ee magaalada Burco.

Labada gaari ee isku dhacay ayaa mid ahaa gaari rakaab halka mid kalena uu ahaa gaari booyad ah.

Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay in mid ka mid ah xaaladdiisa ay halis tahay, halka mid kale dhaawaciisa uu wanaagsan yahay, sida uu sheegay agaasimada isbitalka Burco.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:38 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG