Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IMF: Dhaqaalaha Somalia wuu kobcayaa


Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Talaadadii shalay qortay in dhaqaalaha Somalia la filayo inuu kobco sanadkan 2018-ka.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay saadaalinayso in wax soosaarka gudaha ee dalku uu gaarayo 3.1%, halka uu sanadkii hore ee 2017 ka ahaa 2.3%.

Warbixinta hay’adda ayaa intaas ku dartay in dhoofinta muuska iyo maxsuulka masagada ee beeraha ka soo go’aa ay kaalin ka geysteen dhaqaalaha soo hagaagaya.

Haddaba faahfaahinta arrintan ayaa wariyeheena Nur Xasan Nur uu ka wareystay Dr. Cabdixafiid Shaaciye oo maaddada dhaqaalaha ah ka dhiga jaamacadda Kent State ee gobolka Ohio.

Dhageyso Kororka Dhaqaalaha Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:33 0:00

XS
SM
MD
LG