Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soo dhaweyn qaran oo loo sameeyay xidigaha Faransiiska


France WCup Soccer
France WCup Soccer

Boqollaal kun oo ruux ayaa shalay galab kusoo dhaweeyay magaalada Paris ciyaartooyda iyo macalimiinta xulka kubadda cakta Faransiiska, kadib marki ay kasoo laabteen dalka Russia oo ay Axadii kusoo qaadeen Koobka Aduunka ee sannadkaan 2018-ka.

Taageerayaasha Faransiiska ayaa tubnaa Laga soo billaabo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Charles de Gaulle ee magaalada Paris ilaa waddada caanka ah ee Champs-Elysées.

Well-wishers cheer the victorious French team parading aboard a bus on the famed Champs Elysees avenue in Paris, France, after their 4-2 victory Sunday over Croatia to capture the trophy in the final of the FIFA World Cup, Monday, July 16, 2018. (AP Photo
Well-wishers cheer the victorious French team parading aboard a bus on the famed Champs Elysees avenue in Paris, France, after their 4-2 victory Sunday over Croatia to capture the trophy in the final of the FIFA World Cup, Monday, July 16, 2018. (AP Photo

Sagaal diyaaradood oo ah kuwa dagaalka Faransiiiska ayaa ka qeybgalay mashxadi lagu soo dhaweeyay ciyaartooyda Faransiiska. Ciyaartooyda oo saarnaa bus kor ka furan isla markaana ruxay koobka dahabiga ah ayaa ugu danbeynti tagay qasriga madaxtooyada.

Madaxweyne Emmanuel Macron oo si diirran usoo dhaweeyay ayaa u sheegay in ay rumeeyeen riyadii dadka Faransiiska isaga oo si weynna ugu mahadceliyay sida ay kor ugu qaadeen magaca dalka Faransiiska.

Faransiiska ayaa Axadi kasoo badiyay xulka Croatia ciyaarti finalka oo ku dhamaatay 4-2.

Sidaasi si la mid ah boqolaal kun oo ruux ayaa Isniinti shalay si layaab leh ugu soo dhaweeyay magaalada Zagreb ee caasimadda dalka Croatia, ciyaarta xulka kubadda cakta dalkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Croatia ayaa soo galbiiyay dayaaraddi wadday ciyaartooyda kadib marki ay soo galeen hawada Croatia ilaa ay kasoo gareen caasimadda.

Dowladda ayaa lacag la’aan ka dhigtay dhamaan gaadiidka dadweynaha Isniintii ee dalkaasi.

Dalkan oo ka mid ah wadamada ugu yar Yurub ayaa u dabaaldagay guushi ugu weynedy oo ay kasoo hooyaan kubadda cakta abid taasoo aheyd in ay kaalinta labaad kasoo galeen koobka aduunka ee 2018-ka lagu qabtay Russia.

Croatia ayaa noqday qaran la aqoonsanyahay billowgi Sagaashamaadki kaddib marki uu xorriyada ka qaatay dalki la dhihi jiray Yugoslavia.

XS
SM
MD
LG