WASHINGTON. D.C —
Xulka Biljimka ayaa maanta baashaalaay Panama, kadib marki ay ku garaaceen 3-0 Ciyaar galabta ka dhacay garoonka Fisht Stadium ee magaalada Sochi.
Goolasha laba ka mid ah si qurux badan u dhaliyay weeraryahan Romelu Lukaku, halka goolka kalana uu si cajiib ah ugu fara-yareystay Dries Mertens.
Guushaan ayaa ah mid uu xulka Biljimka ku dirayo farriin xoog leh oo uu ugu sheegayo xulalka ka qeybgalaya koobka aduunka, in Biljimka uu ku jiro dalalka ku guuleysan kara tartanka.
Biljimka waxay Group-ka G kula jiraan Ingiriiska iyo Tunisia.