Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia oo guul ku billaabatay koobka adduunka


Koobka kubadda cagta adduunka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay dalka Ruushka, ayada oo dalka marti-gelinaya ee Russia uu guul ku billowday tartanka.

Russia ayaa 5-0 waxay kaga adkaadeen dalka Sacuudiga, oo cayaar aad u xun soo bandhigay.

Labadan dal ayaa waxaa sidoo kale ay is-arki doonaan dalalka Uruguay iyo Masar, oo iyagana kulmi doona berri.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ka qeyb-galay munaasabadda furitaanka oo ka dhacday garoonka qaada 80,000 qof ee Luzhniki Stadium oo ku yaalla magaalada Moscow.

Waxaa sidoo kale cayaarta goobjoog u ahaa oo daawanayey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Russia ayaa waxa ay qabashada koobka adduunka ku bixineysaa 13 bilyan oo dollar, ayada oo kulmada ay ka dhacayaan 11 magaalo oo marti-gelinaya.

Brazil, France, Spain, Argentina iyo dalka koobka difaacanaya ee Germany ayaa ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo inay koobka hantaan.


XS
SM
MD
LG