Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhageyso Galka Baarista: Sida loo baalmaro canshuuraha dowladda


Galka Baarista
Galka Baarista

Lacago malaayiin dollar ayaa dawladda Soomaaliya uga lunta shirkadaha qandaraaska ka haysta Qaramada Midoobay oo baal mara heshiis ay dawladdu la gashay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay waxay qiratay in qaar ka mid ah agabka loo keeno ee canshuur dhaafka ah ay galaan suuqa madaw, hase yeeshee waxay ku tilmaantay in falalkaasi ay yihiin kuwo dambiyeed, dawladdana ay ku garab taagan yihiin bixinta canshuurta.

Sannadkii 2015-kii, Qaramada Midoobay waxay shaqada ka joojisay shirkad ku xadgudubtay heshiiska canshuur-dhaafka u samaynaya adeegyada iyo agabka Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale waxaa kale oo malaayiin kale ay uga lumaan shirkado kale oo gaar loo leeyahay oo waddanka jooga oo aan bixin wax canshuur ah.

Waa mowduuca barnamaijka Galka Baarista, waxaa inoo haya Haaruun Macruuf.

Galka Baarista: Sida loo baalmaro canshuuraha dowladda
please wait

No media source currently available

0:00 0:18:46 0:00

XS
SM
MD
LG