Kadib bilo ay Soomaaliya ka socdeen dagaallo iyo kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo degaano badan looga saaray, waxaa bilihii ugu dambeeyey hakaday gulufkii ka dhanka ahaa kooxda.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa colaadda waddanka Sudan ka qaxayay arday Soomaali ah, kuwaas oo ay qaarkood soo gaareen dalkoodii hooyo, hase yeeshe, inay soo badbaadeen, soona guryo noqdeen kadib - waxay wajahayaan mustaqbal waxbarasho oo aan sugneyn.
Barnaamijka Galka Baarista ee toddobaadkan waxaan ku eegeynaa isku furista khadadka gudaha ee shirkadaha isgaarsiinta telefoonnada Soomaaliya, waxaana barnaamijka soo diyaariyay soona jeedinaya Harun Macruuf.
Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciidamada hawlgalka uga dhintay iyo kuwa uga dhaawacmay muddada ka badan 16-ka sano ee ay joogeen Soomaaliya.
Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay haddii ciidamada Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay la wareegaan amniga Soomaaliya, islamarkaana ay dalka ka baxaan ciidamada Midowga Afrika ATMIS.
Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay dhaawacyada iyo xanuunada maskaxeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed oo daraasad cusub ay sheegtay inay ka badan tahay sidii la mooday.
Barnaamijka Galka Baarista waxa aan toddobaadkan ku faah-faahineynaa miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee uu dhowaan saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah tii ugu badneyd abid ee ay meel-mariso dowladda Soomaaliya.
Kuwo kale