Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warkii Ugu Dambeeyay ee Is-casilaadda Jawaari


Jawaari

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta iscasilay kadib saddex toddobaad oo loolan siyaasadeed uu kala dhaxeeyey ra’iisul wasaare Xasan Kheyre.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa VOA u xaqiijiyey in Jawaari uu iscasilay.

“Guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa maanta horteena ku aqriyey warqadda iscasilaadda ee ka timid guddoomiye Jawaari” ayuu yiri Xuseen Carab.

Xuseen Carab ayaa sheegay in Jawaari uu qaatay talada madaxweye Farmaajo oo ahayd inuusan sii dheereyn ismarin waaga siyaasadeed.

Xildhibaano taaacsan ra’iisul wasarae Kheyre ayaa mooshin ka keenay Jawaari ayaga oo ku eedeeyey inuu jebiyey xeerarka baarlamanka.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa idaacadda VOA u sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jwaari uu la kulmay qaar ka mid ah xildhibaannada isaga taageersanaa isla markaana uu ku wargeliyey inuu is casilay.

Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inuu galabta iyo caawa la ballansan yahay xubno kale oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka si uu ugu sharraxo go'aankiisa.

Xubno ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo baarlamaanka ayaa iyagu goor hore oo maanta ah sheegay in Guddoomiye Jawaari uu go'aansaday inuu is-casilo kadib saddex toddobaad oo qalalaase siyaasadeed uu hadheeyey baarlamaanka.

Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya ayaa haysta laba toddobaad inuu ku doorto afhayeen cusub.

Warbixintan waxa Muqdisho ka soo diray Cabdiqaaddir Maxamed Cabdulle.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:58 0:00

Dhagaystayaal waxaa naga xusuusin ah inaan la xiriirnay dhinaca xildhibaannada taabacsanaa guddoomiye Maxamed Cusmana Jawaari, waxayna noo sheegeen qaarkood inaysan xilligan ka hadlaynin isbeddellada siyaasadeed illaa ay kulan la yeesheen guddoomiyaha laftiisa.

Balse, dhinaca kale wasiirkii hore ee gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise oo haatanna ka mid ah xildhibaannada mooshinka taageersan ayaa sheegay in iscasilaadda guddoomiye Jawaari ay markhaati ka ahaayeen siyaasiyiin ka tirsan baarlamaanka. Jaamac Buulle Jaamac ayuu uga warramay warqadda loo akhriyey.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:10 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG