Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad ka Dhalatay Xildhibaan Lagu Xirey Kismaayo


Magaalada Kismaayo waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay xarigga xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaasi, oo lagu magacaabo, Axmed Xassan Cabdi, kaas oo qaar ka tirsan xildhibaannadu ay sheegeen in xasaanaddii baarlamaanka laga qaaday.

Xildhibaanka ayaa shalay la xiray sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin, kadib markii xasaandadda laga qaaday. Xildhibaanka, ayaa lagu eedeeyey inuu ku been abuurtay xildhibaanno kale.

Xildhibaan Axmed Xasan ayaa isagu sheegay in xasaanadda laga qaaday aysan sharci ahayn. Warbixintan waxaa Nayroobi ka soo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Xildhibaan Jubblanad oo la Xirey
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:48 0:00

Haddaba, waxaan xiisadda siyaasadeed ee taagan iyo xarigga xildhibaan Axmed Xasan Cabdi ka waraysanay madaxwyene ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan. Jaamac Buulle Jaamac ayaa ugu horrayn weydiiyey waxa xasaanadda looga qaadaya xildhibaankaasi?

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ka hadlay xarriga xildhibaanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00

XS
SM
MD
LG