Dhageysayaasha VOA waxaa loogu bishaareynayaa in VOA Somali ay soo saartay app cusub oo bilaash ah oo lagu shuban karo taleefonnada, tabletyada iyo aaladaha kaleba.
App-kan cusub waxaad heli kartaa idaacadaha oo maqal ah, qoraallada iyo waliba barnaamijyada muuqaalka ah.
App-ka cusub ee VOA Somali waxaad ka soo dagsan kartaa Google Play Store ama Apple Store, kuna raadi magaca VOA Somali.
Dhageystayaasha ku sugan, Maraykanka, UK, Kenya, Sweden, Norway iyo South Africa, waxaa App-kan cusub ay ka dhex-wici karaan taleefon si idaacadda ay u dhageystaan. Qiimuhu wicitaanka wuxuu la mid yahay inta caadiga ah ee aad bixiso, balse wuxuu bilaash u yahay macaamiisha haysta shirkaddaha bixiya daqiiqada bilaashka ah. Fadlan inta aadan wicin ka hubso shirkadaada taleefonada.”
Hadddaba la soo dag app-ka cusub ee VOA Somali si meel walba oo aad caalamka joogto ula socoto wararka iyo barnaamijyada VOA Somali.