Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka madaxda Maamul-goboleedyada oo Kismaayo ka furmay


Kismaayo
Kismaayo

Saraakiil ku sugan Kismayao ayaa VOA u xaqiijiyey in shirkan uu furay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo isagu marti loo yahay.

Madaxda joogta shirkaasi waxaa ka mid ah madaxweynayaashaa maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekg Aadan; Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Shirkan ayaa madaxdu sheegeen inaanu ahayn mid abuuraya xiisad balse uu ka shaqayn doono sidii loo xallin lahaa wixii cqabadao ah ee jira.

Shirka waxaa lagu baaqay kadib markii xurgyf siyaasadeed ay dhexmartay qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe oo ku saabsan mowqfika ay ka qaateen xiisadda khaliijka ee u dhaxaysa waddamada uu hoggaamiyo Sucuudiga iyo Qadar

Dhageyso Warbixin uu wariye Khadar Maxamuud Xareed Kismaayo kasoo diray:

Dhageyso, Warbixinta Shirka Kismaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:33 0:00

Haddaba shirkan Kismaayo ayaa imanaya iyadoo xiisad siyaasadeed ay u dhaxayso maamul goboleedyada qaarkood iyo dawladda federaalka taasoo ka dhalatay mowqifka laga kala qaatay khilaafka gacanka carabta. Jacfar Kuukaay ayaa muhiimadda shirkan ka waraystay Xasan Xundubay oo ay falanqeeye ku sugan Muqdishu.

Dhageyso Wareysiga Xasan Xundubey

Dhageyso, Wareysiga Shirka Kismaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:14 0:00

XS
SM
MD
LG