Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Togdheer: Dad Hor Leh oo u Dhintay Shuban Biyoodka


Cisbitaalka Burco
Cisbitaalka Burco

Wararka ka imanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in uu sare u kacay dadka uu soo ridanayo xanuunka shuban-biyoodka.

Axmed Cabdi Bakaal oo ah guddoomiyaha ururka Bisha Cas ee Somaliland oo booqday gobolka Togdheer ayaa sheegay in illaa 4 qof ay xanuunka shuban-biyoodka u dhinteen afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyey halka uu soo ritay in ka badan 140 qof oo cusub.

Shalay ayey ahayd sidoo kale markii mas’uuliyiintu ay sheegeen in cudurka ay u dhinteen saddex qof, taasi oo tirada guud ee illaa iyo iminka ka dhigeysa 7 qof.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Guddoomiyaha bisha cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal.

Wareysi: Axmed Cabdi Bakaal
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:59 0:00

XS
SM
MD
LG