Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen, lix kalena ay ku dhaawaceen qarax ka dhacay suuqa xoolaha, gaar ahaan qeybta ariga ee degamada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Dadka dhintay ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen askar ku sugneyd suuqa, halka qof kalena uu ahaa qof shacab ah.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay bam gacmeed lagu tuuray suuqa. Kooxdii Bamka tuurtay ayaa lagu warramay inuu baxsatay.
Markii qaraxa uu dhacay, ayaa la sheegay inay xigtay rasaas ay rideen qaar ka mid ah ciidamada suuqa ku sugnaa ee qaraxa lala beegsaday.
Wariyeheenna Caasha Ibraahim Aaden ayaa khadka taleefanka kula xiriirtay goob jooge ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay, waxna ka weydiisay sida ay wax u dhaceen.